702 Views

Maamulka Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan gelisay deegaanka Dhagtuur oo lagu dagaalamay shalay

Maamulka Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan gelisay deegaanka Dhagtuur oo lagu dagaalamay shalay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

 Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan galisay deegaanka Dhagtuur ee Koofurta Mudug, kadib markii shalay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira Maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta inaan dhib kale dhicin.

Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post