255 Views

Shirka Guddiga Mashruuca RAAISE Qeybtiisa Horumarinta Xoolaha Oo Ka Qabsoomay Muqdisho

Shirka Guddiga Mashruuca RAAISE Qeybtiisa Horumarinta Xoolaha Oo Ka Qabsoomay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa shir guddoomiyey shirka guddiga Mashruuca RAAISE qeybtiisa Horumarinta Xoolaha, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada, Xubno ka Socday Midowga Yurub iyo Hay,adda FAO Soomaaliya .

Inta uu shirka socday ayaa looga hadlay horumarada laga sameeyay fulinta mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa habsami u socodka mashrucani.

Ugu dambeyntii waxaa shirka soo gabagbeeyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa tilmaamay in shirka la isku afgartay dardargalinta Mashruuca RAAISE qeybtiisa Horumarinta Xoolaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post