387 Views

Ma la oran karaa Sucuudigu wuu aqbalay miisaanka siyaasadeed ee Shiicadu Khaliijka ku leedahay?

Ma la oran karaa Sucuudigu wuu aqbalay miisaanka siyaasadeed ee Shiicadu Khaliijka ku leedahay?
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa magaalada Jiddah kula kulmay, Cammaar Al-Xakiim, oo ah madaxa xisbiga Shiicada ah ee Tayyaar Al-Xikma ee dalka Ciraaq.

Warbaahinta , ayaa sheegtay in labada nin ay ka wada hadleen xidhiidhka Ciraaq iyo Sucuudiga, iyo arimaha muhiimadda gaarka ah u leh labada dhinacba.

Haddaba, maxaa u sabab ah in Sucuudigu haatan aqbalay inuu xidhiidh toos ah la yeesho siyaasiyiinta Ciraaq ee Shiicada ah, iyada oo aynu weliba og nahay in xukuumadda Baqdaad hore u sheegtay inay ka shaqaynayso isu soo dhawaynta Sucuudiga iyo Iran.

Ma la oran karaa Sucuudigu wuxuu aqbalay miisaanka weyn ee siyaasadeed ee Shiicadu haatan gobolka ku leedahay?

Dr Axmed-Tiir Sheekh Maxamed oo ka faalooda siyaasadda dunida Islaamka iyo carabtaba oo BBC-da Su’aashaas weydiisay, ayaa ku jawaabay in Muhiimadda ugu weyn ee uu hoggaanka Sacuudiga ula kulmay Cammaar Al-Xakiim, ay tahay inay ka faa’iideysaneyso Iiraan, oo ay hadda yaraatay sameynteeda dhaqaale ee xagga Ciraaq.

“Waxaan shaki ku jirin marka laga hadlayo Ciraaq in miisaanka ugu weyn, haddii ay tahay tirada iyo siyaasadaba ay tahay Shiicada, laakin in muddo ahba Sacuudiga waxa uu ku dadaalayay sidii Shiicada Ciraaq uga soo goyn lahaa Iiraan.”

“Sacuudiga wuu ogyahay inay Ciraaq Shiica tahay, sidoo kalana Sacuudiga dalkiisa, ayna jiraan Shiico xoog leh oo ku nool Baxareyn, marka Shiicada Khaliijka aad ayay ugu badan yihiin, xitaa waa kuwa hadda ka dagaalama Yaman, waxaad mooddaa arrintaan inay tahay dabeyl cusub oo gobolka ka socota.”

“Waxaad mooddaa in Sacduudiga uu ka qeyb qaadanayo waan-waanta u dhaxeysa siyaasiyiinta Shiicada ah ee isku heysta xukunka.”

Maxay yihiin arrimaha Muhiimka ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Ciraaq?

Dr Axmed-Tiir ayaa sheegay in saddex arrin ay muhiimad khaas ah u leedahay Sacuudiga iyo Ciraaq.

1: “Ciraaq inkasta oo ay saarto batroolka, haddana waxaa muddo dheer heysta dhibaato la xiriirta tamarta, iyadoo kaoo qaadata tamarta Iiraan, waxeyna ku qabtaa dhib badan, marka arrintaas ayuu Sacuudigu doonayaa inuu ka caawiyo oo uu ku soo jiito.”

2: “Sacuudiga waxa uu doonayaa inuu xal u helo Shiiacada Ciraaq ku xiran Iiraan, si ay u noqdaan Shiicada madax bannaan oo aan Iiraan ku xinayn.”

3: “Ciraaq waxay ahayd dowladdii gogosha nabadda u dhigtay Sacuudiga iyo Iiraan, oo meeshaas ayay si hoose ugu wada hadli jireen, inkastoo markii dambe ay wada hadallada heer sare soo gaareen. Hadda, waxaad mooddaa mar haddii uu Mareykanka ka baxayo Bariga Dhexe, in dowladaha dariska ay xoogga saaraan inay iyaga wada hadlaan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post