798 Views

Safiirka Cusub ee Somalia u Magacaawday Masar oo Warqadaha laga guddoomay

Safiirka Cusub ee Somalia u Magacaawday Masar oo Warqadaha laga guddoomay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda  Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar  Saamix  Shukri.

Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu u qaabilay, waxuuna  u  gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo  sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka  kadib ayuu safiirka Soomaaliya  ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona  xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  shacabka iyo madaxda  labada dal.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post