885 Views

Madaxweynaha DDS oo soo saarey Go’aano looga hortagayo COVID 19

Madaxweynaha DDS oo soo saarey Go’aano looga hortagayo COVID 19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —War kasoo baxey Xafiiska Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa lagu sheegay in dhamaan la joojiyey Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ka imaanaya deegaannada kale,si looga hortago Cudurka COVID19.

 

Waxaa warka lagu sheegay in laga bilaabo Maanta uusan wax gaadiid ah soo geli doonin oo ka yimaada deegaanada xadka la leh deegaanka soomaalida,marka laga reebo gaadiidka wada Raashinka, khudaarta, shidaalka iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah.

 

Gaadiidka sidaraashinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ayaa la sheegay in kaliya loo ogol yahay inay soo raacaan Darawalka iyo caawiyaha ee loo yaqaano Kirishbooyga,iyada oo amarkaas uu dhaqan galay.

 

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la dhigey Magaalooyinka kala duwan ee dowlad deegaanka,kuwaas oo wada howlgallo,iyaga oo fulinaya amarka kasoo baxey Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment