1158 Views

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xirtay inta badan kaalmihii shidaalka ee ku yaalay magaalooyin dhowr ah

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xirtay inta badan kaalmihii shidaalka ee ku yaalay magaalooyin dhowr ah
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 23, 2022

Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xirtay inta badan kaalmihii shidaalka ee ku yaalay magaalooyin dhowr ah oo dowlad deegaanka.

Ujeedka Xukuumadda dowlad deegaanka ay u xirtay kaalmahaasi shidaalka ayaa ah mid looga jawaabayo shidaal yaraanta bilihii la soo dhaafay ka taagneed Dowlad Deegaanka.

Qaar ka mid ah ganacsatada leh kaalmahaasi ayaa durba arrintaa ka muujiyay cabasho xoogleh, kuwaas oo sheegay in sharciyada loo cuskaday xirnaan shaha goobahaada ganacsi uu yahay mid duraya.

Cabdiraxmaan Maxamed Saahid, waxaa uu ka mid yahay ganacsatada leh goobaha ganacsi ee la xiray. Wuxuu sheegay in kaalmaha la xiray ay yihiin 8 kaalmood, balse uu isagu kulahaa laba kaalmood oo waaweyn.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kaalmaha la xiray ay ahaayeen kuwii ugu waaweynaa ee dowlad deegaanka ku yaalay, isagoo xusay in xukuumadda aysan la wadaagin wax cadeyn ah oo loo xiray xarumahaasi shidaalka.

“Haba yaraatee wax cadeyn ah oo naloo sheegay ma jirto, warqada kaliya waxaa ku qorneyd in amar diido sameeyeen, wax amar diido ah aan sameenay iyo wax cido diidnay ma jirto, cidkaloo nalasoo xiriirdhay oo nala soo hadashay majirto” ayuu yiri ganacsade Cabdiraxmaan Maxamed Saahid.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post