267 Views

Xildhibaano warbaahinta kala hadlay mooshinka heshiisyadii Itoobiya iyo Imaaraadka

Xildhibaano warbaahinta kala hadlay mooshinka heshiisyadii Itoobiya iyo Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  – Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray mooshin culus oo ay dhowaan u gudbiyeen guddoonka golaha, kaas oo ku saabsanaa heshiisyo amni oo ay si qarsoodi ah xukuumadda ula soo gashay Itoobiya iyo Imaaraadka.

Xildhibaan Faa’iso Jayte oo ahrisay go’aanno ay soo saareen Xildhibaannada saxiixay mooshinkaas ayaa beenisay inay ka laabteen go’aankoodii hore ee mooshinka, waxayna tilmaamtay in doodoodu ay sii socon doonto, isla markaana ay ka war sugayaan guddoonka iyo in la horkeeno Baarlamaanka si xukuumadda wax looga weydiiyo heshiisyadaasi.

Bayaan ay soo saareen Xildhibaannadan ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiisyadaas lala soo galay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Imaaraadka.

“BFS wuxuu si weyn uga walaacsan yahay nuxurka iyo haykalka guud ee heshiisyada sida hoose loola galay waddamada Imaaraadka, Itoobiya, Turki, Sudan iyo Uganda” ayay tiri.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu shaaciyay inay aad uga walaacsan yihiin heshiisyadaas, maadaama aan lala socod-siin baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“In badan Golaha Shacabka wuxuu welwel ka muujiyay heshiisyada ay sida hoose usoo saxiixday xukuumadda, ayada oo aan loo soo gudbin Baarlamaanka ” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xildhibaannadu waxa kale oo ay  farriin culus u direen xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza oo ay ugu baaqeen in si degdeg ah heshiisyadaas u horkeenaan baarlamaanka si looga doodo.

“Waxaan si deg-deg ah u fareynaa XFS inay si deg deg ah u horkeento Golaha Shacabka dhammaan heshiisyada ay sida qarsoodiga usoo gashay” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn waxa ay xukuumadda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay la timaado qorshe cad oo lagu difaacayo dhulka iyo badda Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya ay kusoo xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya kadib heshiiskii ay la gashay Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post