1101 Views

Afar qof oo ku dhimatay Kaawo kusoo duntay Magaalada Muqdisho

Afar qof oo ku dhimatay Kaawo kusoo duntay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku geeryootay halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii ay ku soo duntay kaawo ay qodayeen oo ku taal xaafadda sifaynta batroolka , degmada wada jir ee gobalka banaadir .
Daahir Cali Jimcaale oo ah goobjooge ka ag dhawaa kaawada soo duntay oo lahadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in qasaaraha uu arkay ay tahay geerida 4 qof iyo dhaawaca 1qof oo kale ayna jiraan dad wali ku hoos jira carada kaawada soo duntay.

Waxa uu tilmaamay in ay socdaan gurmad lagu baadi goobayo nolol iyo geeri dadka maqan ee la tuhmaayo in caradada ay ku hoos jiraan, kuwaas oo kamid ahaa kaawooleyda.
Maamulka degmada wadajir iyo kan gobalka banaadir wali ma aysan ka hadlin kawadaan soo duntay , waxaana marar badan sidaan oo kale kaawooyin kuyaala muqdisho oo soo dumay uga dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post