1068 Views

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo degaano la wareegay

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo degaano la wareegay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka  Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa manta howlgal kula wareegay Saldhiga Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen aagga degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka  ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Goobihii Al-Shabaab kasoo abaabili jireen weerarada.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalkaan ayaa bilow u yahay wajiga labaad ee xoreynta degaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post