795 Views

Maxkamadda G/Banaadir oo xukuno adag ku riday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda

Maxkamadda G/Banaadir oo xukuno adag ku riday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-27-2020
-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markale waxaa ay Maanta oo Khamiis ah xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku riday shaqsiyaad u shaqeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadka la xukumay ayaa ahaa mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo u xirnaa eedo la xiriira musuq maasuq iyo xatooyo hanti dadweyne,waxaana maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan,waxaana ay kala yihiin.

1: Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Qeyraadka Soomaaliya Guuleed Maxamed Ibraahim waxa ay Maxkamadda ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2,366 dollar iyo in uu qasnadda dowladda ku celiyo $137,907 dollar iyo ka reebista xafiis dadweyne.

2: Milkilaha Shirkadda Maamuus Generaal Cintarcting and Service iyo Madaxa Hubinta Commitmentab Control ee Xafiiska Xissaabiyaha Guud Ee dowladda Cali Sheekhdoon Cabdi waxaa lagu xukumay 9 Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3549 dollar iyo in qasnadda dowladda uu ku celiyo $58,505 dollar, ganaaxa waxaa wehliya ka reebid xafiis dadweyne.

3: Aweys Xasan Cumar xisaabiye ka tirsan waaxda Wasaaradda Warfaafinta waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed $1183 dollar.

4: Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar, waxaana dhamaan mas’uuliyiinta la xukumay ay Maxkamaddu sheegtay in uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 maalmood ah.

24-kii Bishaan ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuno isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed ku riday Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo lagu helay fal la xiriira lunsasho hanti dadweyne.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post