972 Views

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu taageeray Ra’iisul wasaare Rooble

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo  lagu taageeray  Ra’iisul wasaare Rooble
____________________________________________________________________________


Axad: August 8, 2021

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero loogu muujiyey Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta ka soo jawaabay dikreetadii uu xalay soo saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, taas oo hoos loogu dhigaayey awooda fulineed ee xukuumadda Rooble.

Puntland waxay ku bogaadisay ra’iisul wasaaraha maareynta siyaasadda dalka xilligaan xasaasiga ah iyo dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka. Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Puntland.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare ayaa galabta shaaciyey in isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran uu ka hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha gudaha iyo kuwa dibadda, isagoo ilaalinaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo ay nagala dhaxeyso xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad kale Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankii uu Rooble uga jawaabay dikreetadii Farmaajo.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday mucaaradka oo uu hoggaaminayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna wada qaateen shir mudo saacado ah socday.

Qoraal kooban oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka soo saaray shirkii uu la yeeshay Ra’iisul wsaare Rooble waxa uu ku yiri, “Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post