801 Views

R/wasaare Rooble oo kulan la qaatay wafdi ka socday IGAD

R/wasaare Rooble oo kulan la qaatay wafdi ka socday IGAD
____________________________________________________________________________

 khamiis December 23, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay.

Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post