771 Views

Abiy Ahmed oo goor dhawayd sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray

Abiy Ahmed oo goor dhawayd sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray ayaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Ayada oo is-gaarsiinta gobolka ay go’an tahay, way adag tahay in si madax-banaan loo xaqiijiyo sheegashada Abiy.

Abiy ayaa sheegay in meydadka qaar ka mid ah ciidamadiisa oo la toogtay laga helay magaalada Sheraro, kuwaas oo laga toogtay lugaha ayada oo garbo duub loo xiray. “Xaasadnimada noocan ah waa wax laga naxo,” ayuu yiri.

Ma uusan sheegin tirada meydadka askarta la helay, mana uusan soo bandhigin caddeymo. Sidoo kale ma jirto jawaab ay bixiyeen xubnaha TPLF, oo horey ciidamada dowladda federaalka ugu eedeeyey “arxan-darro” iyo duqeymo ka dhan ah shacabka Tigray-ga.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Ethiopia Birhanu Jula ayaa warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana u sheegay in Taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka ay ka bad-baadeen shan maalmood oo dagaal culus ah, ayna dib u qabsadeen magaalooyin ay ka mid yihiin Dansha, garoonka diyaaradaha Humera iyo Baeker.

“Waxaan jeclahay inaan u mahad-celiyo ciidamada federaalka ee tusaalaha u ah geesiyaasheena iyo dagaalka joogtada ah ee ay wadaan, xitaa haddii cuntada iyo biyaha laga jaray muddo shan maalmood ah,” ayuu yiri.

Tigray-ga weli kama jawaabin sheegashada ciidanka dowladda

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post