453 Views

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania oo la daalaa-dhacaya daminta dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro.

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania oo  la daalaa-dhacaya daminta dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro.
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa la daalaa-dhacaya daminta dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro.

Dabka ayaa halkaa ka bilowday habeenkii Jimcaha gaar ahaan wuxuu saameeyay keymaha ku yaalla agagaarka buurta.

Lamana ogo waxa sababay dabkan.

Shaqaalaha dab damiska ayaa isku dayayaa inay dambiyaan dabka tan iyo Jimcihii.

Iyo ilaa hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay dabka iyo baaxadda uu gaarsiisan yahay keymaha uu baabi’iyay dabka.

Ma ahan markii ugu horreysay uu dab ka kaco buurta Kilimanjaro ee Tanzania.

Sanadkii 2020-kii ayay aheyd markii keymaha buurta uu saameeyay dab socday toddobaad kaasoo baabi’iyay dhul gaarayo kumannaan hektar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post