963 Views

Shirkad laga leeyahay Israel ah oo basaastey taleefanada madax caan ah

Shirkad laga leeyahay Israel ah oo basaastey taleefanada madax caan ah
____________________________________________________________________________

Isniin: July 19 2021

Shikad laga leeyahay Israel, ayaa la ogaadey iney basaaseysay tiro badan oo dad caan ah, iyadoo isticmaaleysa barnaamijka gaara oo akhbaarta lagu xado, taasoo ay ka iibiyeen madax kaligii taliyeyaal ah.

Shirkadda ayaa iibineysay barnaamijka wax basaasa in muda ah. Barnaamijka Borbouri ayaa waxaa soo saartey shirkad dunida caanka ah ee reer Israel ah oo layiraahdo NSO.

Macaamiisha uggu badan ee wax ka iibsada shirkaddan reer Israel waa Carabta, iyo dowladaha ay heystaan madaxda kaligii teliyeyaasha ah, kuwaasoo u baahan barnaamijka wax basaasa ee Borbouri, si ay u helaan sirta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Dowladaha la macaamila shirkadan laga leeyahay Israel waxaa kamid ah qoysaska boqortooyooyinka ee dunida Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post