465 Views

Mareykanka oo baaq u diray dhinacyada iskaga soo horjeedo Itoobiya

Mareykanka oo baaq u diray dhinacyada iskaga soo horjeedo Itoobiya
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Maraykanka ayaa doonayaa in dhinacyada iska soo horjeeda ee ku lug leh colaadda Itoobiya ay dhaqan geliyaan wadahadalka xabbad-joojinta iyo in adeegyadii muhiimka ahaa dib loogu soo celiyo gobolka Tigray, sida uu Jimcihii sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

“Waxaan hadda ku boorineynaa dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda lagu hormariyo wadahadallada xabbad-joojinta oo ay ku jiraan amniga iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee gobolka Tigray si deg deg ah,” ayuu Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamada Tigreega ay wali ku sugan yihiin gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta, inkastoo afhayeen u hadlay ciidamada Tigraygu uu maalmo ka hor ku dhawaaqay ka bixitaankooda.

Afhayeenka dowlada Legesse Tulu ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in wararka sheegaya in ciidamada Tigreega ay ka baxeen Canfarta ay tahay waxay uu ugu yeeray ‘been weyn.”

Getachew Reda, oo ah afhayeenka TPLF, ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inuu faallo ka bixiyo. Isniintii, ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Tigraygu ay ka baxayaan Gobolka Cafarta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post