663 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in Dad Reer Baydhabo ah ku dhaawacmeen diyaaradda burburtay

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in Dad Reer Baydhabo ah ku dhaawacmeen diyaaradda burburtay
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda Jubba Airweys ee saaka ku burburtay garoonka diyaaradaha Cadde ee magaalada muqdisho ay Magaalada baydhabo ka qaaday 33 Ruur oo ay laba Carruur ah kujiraan.

Wasiirka oo Garoonka diyaaradaha Baydhabo Warbahinta kula hadlay wuxuu sheegay in dadka rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda qaarkood ay ku dhaawacmeen shilkaas, isla markaana diyaaradda ay cilad farsamo ku timid markii ay ka degi laheyd Garoonka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka Koonfur galbeed uu aad uga xun yahay dhacdadaas, sidoo kalena ay ka warqabi doonaan cid kasta oo wax ku noqotay, isaga oo u rajeeyay caafimaad deg deg ag.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur in wixii kusoo kordha shilka diyaaradeed maadaama ay saarnaayeen rakaab ay ka qaaday magaalada Baydhabo ay dib kasoo sheegi doonaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post