2010 Views

Mareykanka oo tababar u soo gaba gabeeyay Ciidamo Danab ka tirsan

Mareykanka oo tababar u soo gaba gabeeyay Ciidamo Danab ka tirsan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:Dowladda Mareykanka ayaa tababar u soo xirtay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababar ee Danab.

Ciidamada dowladda Mareykanka ay tababarka ugu soo xirtay Muqdisho ayaa ah kuwo sidda gaarka u tababar ee Fuliya howlgallada qorsheysan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay 31 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa tababarkan la siiyay, iyadoo loo dhameystiray saanad ciidan ee askari u baahan yahay, waxaana taasi sii dheer in askartan la siiyay gaadiid ay ku hawlgalaan.

Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay joogaan.

 

m1 m2 m3 m4

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment