1554 Views

Faah Faahin Laga Helayo Qrax Ka Dhacay Muqdisho

Faah Faahin Laga Helayo Qrax Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 26, 2018 Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey.

Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen.

Goobjoogaha la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment