342 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre.
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Bariirre.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Sidoo kale taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post