699 Views

Midowga musharraxiinta kulan xasaasi ah ku leh hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho…

Midowga musharraxiinta kulan xasaasi ah  ku leh  hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho…
____________________________________________________________________________

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu kulan deg deg ah uga furmay magaalada Muqdisho Midowga musharraxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/2021.

Kulankan oo ay inta badan ka qeyb-galayaan musharraxiinta dhowaan is-baheysiga sameyntay ayaa waxaa ay kaga hadlayaan waxyaabihii soo kordhay todobaadkan.

Musharraxiinta ayaa si gaar ah diirada u saaraya xaalada cakiran ee doorashooyinka, adkeynta nabad-gelyada iyo sidii ay u xoojin lahaayeen walaaca ku aadan doorashada.

Sidoo kale wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada ay cirka isku sii shareertay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda oo maalmihii u dambeeyey hawada isu marinayey dhaliilo xoogan iyo cambaareyn uu midba midka kale u jeeinayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post