321 Views

Ukraine oo Jarmalka ka dalbatay taangiyo iney ku deeqdo

Ukraine oo Jarmalka ka dalbatay taangiyo iney ku deeqdo
____________________________________________________________________________


Sabti: January 21, 2023 

 

Ukraine ayaa sheegtay iney dooneyso tiro badan oo ka mid ah Taangiyadan casriga ah uu Jarmalka sameeyo oo loo yaqanno Leppard 2.

Taangiyada Leopord 2 oo uu Jarmalka sameeyo oo ka howlgalo 13 waddan oo qaaradda Yurub ku yaalla.

Kyiv waxay sheegtay Taangiyadan haddii ay heshi iney gacan ka siinayaan dagaalka iska caabbinta ee ay ciidamadeedu uga hortagayaan ciidamada Ruushka ee weerarka soo qaaday.

UK dhankeeda waxay horay u ballan qaadday iney Kyiv siineyso 14 taangi oo noocoodu yahay Challenger 2, inkasta oo Ukraine sheegtay iney weli tiradaasi ku filneen oo ay ka badanba doonayaan.

Tangiyada Leoopord 2 ayaa loo naqshadeeyay dagaalkii qaboobaa, ujeeddaduna ahayd inay la tartamaan taangiga Ruushka ee T-90, oo ay weli isticmaalayaan ciidamada duullaanka ku soo qaaday Ukraine.

Reer Galbeedka ayaa wali u muuqda inay ku midaysan yihiin rabitaankooda ah inay caawimaad buuxa u fidiyaan Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post