762 Views

Itoobiya oo shaacisay xilliga ay bilaabi doonaan Tamarta Korontada ee Biyo-xireenka GERD

Itoobiya oo shaacisay xilliga ay bilaabi doonaan Tamarta Korontada ee Biyo-xireenka GERD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 05, 2021–Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada ee dalkaasi, Selshi Bekele waxa uu shaaciyey inuu dalkiisa samaynayo dadaal ku aadan sidii loo bilaabi lahaa in Tamar Koronto laga soo saaro Biyo-xireenka GERD.

Waxa uu intaasi ku daray inay bisha August ee soo socota bilaabi doonaan inay Koronto ka soo saaraan Biyo-xireenka, kadib, markii lagu guuleystay dadaalka Biyo-buuxintii Labaad ee loo diyaar garoobay iyo in darruuraha laga dhaliyo Roobka (Clouds pollinate to generate rain).

Hadalka Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada ee dalkaasi, Selshi Bekele waxa uu hadalkiisa ku soo beegmay, iyadoo maanta la filayo in caasimadda dalla Koongada Dimuqraadiga ee Kinshasa lagu soo gebagebeeyo Wareega cusub ee Wada-hadaladii ay Masar, Sudan iyo Ethiopia kaga hadlayaan xal-u-helista Muranka ka taagan Dhismaha Biyo-xireenka GERD iyo saami-qeybsiga Biyaha ee Webiga Nile.

Dhinaca kale, RW Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu horey u sheegay inuusan dalkiisa awoodi karin inuu dhisto Biyo-xireeno kale iyadoo aan la isticmaalaynin Teknoolajiyada Daruuraha la qarxiyo, si uu Roob u da’o ( using cloud seeding technology, or what is known as “cloud seeding.”

Waxaa  Qoray Ustaad Nuradiin

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post