1554 Views

Shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya oo dacwad ka gudbiyay Khadiija Maxamed Diiriye.

Shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya oo dacwad ka gudbiyay Khadiija Maxamed Diiriye.
____________________________________________________________________________

Talaado: December 7, 2021

Wararka ka imaanaya Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya  ayaa sheegaya in Shaqaale ka tirsan Wasaaraddaas ay dacwad ka dhan ah wasiirka Wasaaradaas Khadiija Maxamed Diiriye u Gudbiyeen Xafiiska Raisal Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in khadiijo  boosaskoodii ku bedeshay dad ay ku sheegeen “ergadii u dooran lahayd in ay mar kale ka mid noqoto Golaha Shacabka.”

Sidoo kale Shaqaalaha ayaa dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija u gudbiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, Hanti Dhowrka guud iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, waxaana sidoo kale la ogeysiiyey wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargaarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post