870 Views

Madaxa sirddoonka Israa’iil oo ka hadlay howlgal ay ku qaadeen barnaamijka nukliyeerka Iran

Madaxa sirddoonka Israa’iil  oo ka hadlay  howlgal ay ku qaadeen barnaamijka nukliyeerka  Iran
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Madaxa sirddoonka Israa’iil ee xilka ka sii degaya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ku qaadeen dalka Iran.

Ninkan madaxda ka ahaa laanta sirddoonka Israa’iil ee Mossad, Yossi Cohen wuxuu sharraxaad ka bixiyay xog laga soo xaday barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Weerarkii lagu qaaday xarunta nukliyeerka Iran sanadkii 2018 waxaa Israa’iil loo daabulay tobonaan kun oo dokumentiyo ah oo la xiriira nukliyeerka Iran.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay kaalintii Israa’iil ay ku laheyd burburkii loo geystay warshadda nukliyeerka Iran ee Natanz iyo dilkii loo geystay seynisyahankii qaabilsanaa nukliyeerka.

Yossi Cohen ayaa haatan howlgab ah, wuxuu shaqada ka tegay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa Cohen u magacabaay madaxa Mossad sanadkii 2015-kii, wuxuu ku biiray sirddoonka 1982 kadib markii uu kasoo baxay jaamacadda London.

Xilli uu la hadlayay barnaamijka Channel 12’s Uvda wuxuu sheegay in intii uu ku dhex jiray shaqadan uu adeegsaday boqolaal baasaboor ah.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa 2018 soo bandhigay dokumentiyada keydka ah ee laga soo xaday Iran, wuxuu sheegay in uu hayo caddeymo ah in Iran ay isku dayeyso inay xoojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Iran waxay beenisay eedeymahaas.

Mr Cohen wuxuu wareysiga ku sheegay in labo sano ay ku qaadatay in uu qorsheeyo sidii lagu fulin lahaa weerarka.

Weriyihii wareysiga qaadayay ayaa yiri, “Ku dhawaad 20 kamid ah saraakiisha sirddoonka Israa’iil ee Mossad ayaa ku lug lahaa howlgalka kuwaas oo aanan aheyn muwaadiniin reer Israa’iil”

Cohen wuxuu xilliggaas howgalka kala socday xarunta taliska ciidamada oo ku taalla Tel Aviv, sirddoonkii ayaa gudaha u galay warshadda, waxaana la arkayay isaga oo daawanaya sawirrada dhaca ay ka geysteen halkaas, “Dhammaanteen farxad weyn ayay inoo tahay” ayuu yiri Cohen oo soo xiganeysay warbaahinta Times of Israel.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan ciidamdii fuiliyay howgalkaas ay soo badbaadeen isla markaana ay badqabaan inkasta qaar kamid ah raggaas loo baahan yahay in laga soo saaro Iran.

line

Bilowga wareysigiisa wuxuu ka hadlay xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz.

Iran waxay sheegtay in burburka soo gaaray xarunta uu ka dhashay dab ka kacay xarunta bishii July 2020-kii.

Maalin uun kadib markii Iran ay bisha April shaaca ka qaaday qalab cusub waxay saraakiisha sheegeen in weerar lagu qaaday xarunta kaas oo burbur xooggan u geystay xarunta.

Iran waxay ku eedeysay Israa’iil inay tahay “Argagixisada Nukliyeerka” kadib weerarka.

Mr Cohen wuxuu u sheegay weriyihii wareysi ka qaadayay in si weyn uu u garanayo xarunta Nukliyeerka Natanz ee Iran isla markaana uu geyn karo qeybta hoose ee warshadda.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dilkii loo geystay saynisyahankii nukliyeerka Iran, Mohsen Fakhrizadeh kaas oo ku dhintay qarax la dhigay waddo ku taalla caasimadda Tehran bishii Nofembar.

Iran waxay dilkaas ku eedeysay inay ka dambeysay Israa’iil.

Madaxii hore ee sirddoonka Israa’iil, mana xaqiijin mana beenin inay ku lug lahaayeen dilka seynisyahanka balse wuxuu sheegay in seynisyahanka la bartimaameedsanayay sanado badan maadama cilmi baaristii uu garwadeenka ka ahaa uu walaac ku reebay Israa’iil.

“Haddii ninka uu qeyb ka ahaa awood halis gelin karta muwaadiniinta Israa’iil, waa laga hor joogsadaa in uu sii joogo”

Wuxuu intaas ku daray in la faraha laga qaadi karay “waa haddii uu diyaargaroobi lahaa in uu baddasho xirfadda oo uusan inaga waxyeelleyn inoo geysaneynin”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post