621 Views

Muuse Biixi oo gaaray Ethiopia iyo wasiirka maaliyadda oo ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Bole international Airport

Muuse Biixi  oo gaaray Ethiopia iyo wasiirka maaliyadda  oo ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Bole international Airport
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar ku tegay dalka Ethiopia kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia, sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole international Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda Ethiopa Axmed Shide iyo wasiiru dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Wasiirro ka tirsan Somaliland ayaa hordhac ahaan usii tagay dalka Itoobiya kahor safarka madaxweyne Muuse Biix.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post