993 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Midowga Yurub kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Midowga Yurub kala hadlay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulan gaara ah oo ay yeesheen ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta maadaama Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto arrimaha deyn cafinta.

Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa bogaadiyay iskaashiga joogtada ah oo ay wada leeyihiin Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana ay ka wada hadleen dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay uga mahad celinayaan Midowga Yurub iskaashiga xoogan ee ay la leeyihiin iyo gurmadka ay gaarsiiyaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka gargaarkaas oo ay uu kamid yahay awood u siinta Taageerada Miisaaniyadda & ka Jawaabida Cudurka COVID-19 .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post