960 Views

Guddoomiye Cumar Filish” Ardayda Waxbarashada Tiktok & Taabuu ayay uga mashquuleen”

Guddoomiye Cumar Filish” Ardayda Waxbarashada Tiktok & Taabuu ayay uga mashquuleen”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa Caasimaadda Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ka hadlay arrinta ardaydii ugu badneyd ee Imtixaankii dowladda ku dhacay sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada kuwaas oo ay ahaayeen ardayda gobolka Banaadir hadal hayn badanna ka dhex dhaliyay bulshada.

Cumar filish ayaa waxa uu sheegay in qaar badan oo kamid ah ardaydaasi ay doonayaan in ay sameeyaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan natiijada ay wasaaradda shaacisay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ardayda ay uga mashquuleen Waxbarashada isticmaalka aalada TIK TOK iyo isticmaalka maandooriyaha taabuuga.

Waxa uu ku eedeeyay waalidiinta Soomaliyeed in aysan war uhayn waxyaabaha ay ku mashquulsan yihiin Carruurtooda loona baahan yahay in ay kawarqabaan.

Kudhawaad 8 kun oo arday ayay shaacisay Wasaaradda waxbarashada Soomaliya in ay ka dhaceen ardaydii gobolka banaadir ee galay imtixaanka dowladda taas oo inta badan aqoonyahanada iyo bulshada soomaliyeed siwayn uga falceliyeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post