531 Views

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Garowe

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Garowe
____________________________________________________________________________

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS oo hadda ka socota magaalada Garowe.

Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta lagu dooran doonnaa Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post