1971 Views

Madaxweynaha Soomaaliland ”Cidkasta oo diidan nabada waan la-dagaalami doonaa”

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay iska diafacdo cidkasta oo deegaanadeeda kusoo duusha,xilli maalma kahor deegaanka tukaraq ay dagaal kula galeen Ciidamada maamulka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Soomaliland ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado cidkasta oo nada diidan,balse marka hore ay siin doonaan digniin tan xigtana ay noqon doonto in ay la-daagalamaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in marwalba Soomaaliland ay diyaar u tahay in ay nabada qaadato balse aysan ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo xadgudbo

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa daba-socda iyada oo maalma kahor madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,uu sheegay in Soomaaliland ay dooneyso in ay qabsato dhul aysan laheyn balse ay iska difaaci doonaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment