1152 Views

SAWIRO:-Banaanbax ka dhacay Magaalada Baydhabo

SAWIRO:-Banaanbax ka dhacay Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-19-2020
–Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Maanta dhigeen dibadbax looga soo horeeday Carruur yar yar oo dhawaan Magaaladaasi lagu faraxumeeyay.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo isugu jira dad da’ah iyo Dhalinyaro ayaa kasoo kala baxay Xaafadaha Magaalada Baydhabo iyo iskuulada waxbarashada, iyaga oo sidat boorar ay ku qoran yihiin sida ay uga xun yihiin falkii dhacay.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay ku dhawaaqayaan sida ay uga soo horjeedaan falkii faraxumeynta ahaa ee loo geystay labada Carruurta ahaa oo midkood kufsigii u geeriyooday, iyaga oo sidoo kale soo dhaweeyay labadii rag ee loo toogtay falkaas.

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Baydhabo ayay banaanbaxayaasha socod ku mareen,waxaana ka qeyb galay banaanbaxa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post