939 Views

Maamulka Degmada Cadaado oo Amaro Cusub soo saaray

Maamulka Degmada Cadaado oo Amaro Cusub soo saaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 26 2020__Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay soo saareen Ammaro ku socda Shacabka degmadaas,kuwaas oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Safmareeka ah ee Coronavirus.

Ammaradaan o ka kooban Saddex ayaa waxaa la faray inay ku dhaqamaan Shacabka ku nool Magaalada Cadaado,waxaana ay kala yihiin.

1: In la joojiyo qaadka ( jaadka) qofkii lagu arkaana Sharciga lala tiigsan doono.

2: In la xiro dhamaan Masaajida ku yaalla Magaalada Cadaado.

3: In la xiro maqaayadaha iyo goobaha la is isugu yimaado ee Magaalada Cadaado.
Sidoo kale Maamulka Magaalada Cadaado ayaa faray laamaha Amniga degmadaas in si deg deg ah loo hirgeliyo Amarada ku socda Shacabka oo ay soo saareen.

Amaradan ka soo baxay Maamulka Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay kusoo aadayaan,kadib 24 kii saac ee lasoo dhaafay Cadaado ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 4 ruux oo looga shakisanaa in uu hayo Cudurka COVID19.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment