987 Views

Cabdiraxmaan Abdishakuur oo ka hadlay warqaddii uu Fahad Yaasiin qoray

Cabdiraxmaan Abdishakuur oo ka hadlay warqaddii uu Fahad Yaasiin qoray
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Qoraalka Cabdulraxmaan Cabdulshakuur, ayaa sidan u qornaa: Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dowladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagaldaacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

2- Waa farsamo kale oo awoodda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday, masuuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, xogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon?

1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac.

2- In dhammaan dadkii kiiska ku lug lahaa tillaab sharci ah laga qaado, lana xannibo.

3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post