711 Views

Dowladda Ingiriiska oo Ciidamo horleh u tababareysa Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska oo Ciidamo horleh u tababareysa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Dowladda UK oo kamid ah dowlaaha taageera dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay tababar siin doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jiro Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Uk ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay qaadan doonrto kaalinteeda ku aadan dagaalka wadajirka ah ee lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ciyaareyno doorkeena, anaga oo xoojinayna taageerada UK ee ciidamada Soomaaliya, iyadoo seddex barnaamij oo tababaro ah oo kaladuwan lagu qabtay magaalada Baydhabo – ujeedkiisuna yahay in gacan laga geysto bixinta howlgalada wax ku oolka ah ee ka dhanka ah argagixisada, iyo kor u qaadida xasiloonida muddada dheer ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale Dowladda UK ayaa sheegtay in dhawaan ay tababar magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku siin doonaan 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo ku saabsan howlaha difaaca, taliska iyo xakamaynta, xeeladaha, isgaarsiinta, kan ugu horeeya iyo xuquuqda aadanaha – dhamaantood si kor loogu qaado xirfadahooda la dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda Uk ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay tababar ku siisay Xero ay ka dhiseen magaalada Baydhabo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post