2262 Views

Wadamada Caalamul Islaam oo war ka soo saaray in berri ay tahay Ramadaan

Wadamada Caalamul Islaam oo war ka soo saaray in berri ay tahay Ramadaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Wadamada Caalamul islaam ee uu hoggaaminaayo Sacuudiga ayaa soo geba gebeeyay xaqiijintii in berri ay tahay Ramadaan, waxaana laysku raacay in berri oo Arbaco ah la taamyeeli doono 30-ka Shacbaan.

Sidoo kale wadamadan ayaa waxa ay sheegeen in Khamiista ay tahay shaki la’aan maalinta 1-aad ee Ramadaan.

yaa-ayuha-ladiina

Shacabka Muslimiinta ah ayaa tan iyo maqribkii aad u dhowrayay in berri ay tahay maalin Ramadaan iyo in kale, balse waxaa hada la isku raacay in Khamiista ay bisha Ramadaan Kowdeeda.

Cilmiga cirbixinta ayaa horey waxay u sii shaacinayeen in caawaaysan suuragal aheyn in bisha la arko, bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in berri aysan Ramadaan aheyn.

Umadda Islaamka ayaa isku raacay in berri aysan aheyn Ramadaan, waxaana loo diyaar garoobayaa in Khamiista dunida islaamka oo dhan si siman looga soomo.

bisha-ramadan1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment