597 Views

Sheekh Xasan Daahir Aweys “ waxaan soo jeedinaa in lala dagaalamo kooxda Ahlu Sunna

Sheekh Xasan Daahir Aweys  “ waxaan soo jeedinaa in lala dagaalamo kooxda Ahlu Sunna
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

Sheekh Xasan Daahir Aweys  oo xabsi guri ku jira ayaa ka hadlay xaalada Galmudug iyo Colaada haatan ka taagan halkaas, waxa uuna ku baaqay in lala dagaalamo Ahlu Sunna.

Xasan Daahir Aweys ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday labada dhinac ee is haya, gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Aways ayaa sheegay in Qoor Qoor uu ku  fashilmay maamulka Galmudug oo uu ka dhigtay, Boorso uu jeebka ku qaato, waxa uuna ku tilmaamay shaqsi Madax adag oo aan waxba aqoon u laheen degaanka.

“Waxa uu doonaayo qof la taqaano ma jiro qof uu wax ka siinaayana ma jirto waxa uu ka helo isaga ayey ku egyihiin iyo wixii uu isagu dhalay. Haddii uu wasiir doono waa wiilkiisa ama walaalkiis, haddii uu xoolo doono isaga soo dhaafi meyso,” ayuu yiri Sh. Xasan Daahir oo tilmaamay dhaqanka macalin maxamuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Qooq Qoor Markii hore uusan si fiican ula macaamilinAhlu Sunna, intii ay hubka uruursanayeen uu ka seexday Qoor Qoor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post