684 Views

Waa kuma Soomaaliga ee loo xilsaaray amniga gobolka muhiimka ah ee Kenya Doorashada.

Waa kuma Soomaaliga ee loo xilsaaray amniga gobolka muhiimka ah ee Kenya Doorashada.
____________________________________________________________________________


khamiis:January 13, 2022

Bisha August ee sanadkan, Kenya waxaa ka dhici doonta doorasho xasaasi ah oo lagu dooran doono min golaha deegaanka, xildhibaannada labada aqal, barasaabyada iyo weliba madaxweyne cusub.

Waxa xiisaha gaarka ah u yeelan doorashan ayaa ah in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xilka baneyn doono kadib ku dhawaad 10 sano oo uu jagadaas hayay.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, iyo madaxweyne kuxigeenka William Ruto ayaa hadda ugu cadcad ragga u tartamaya doorashada madaxtinnimada.

Ruto ayaa ka biyo diiday heshiis ay sanadkii 2018 gaareen Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay labada nin. Hadda, waxaa muuqata in Uhuru iyo Raila ay isku dhinac yihiin, ayna doonayaan in Odinga uu bedalo Kenyatta.

Xilli ay soo dhawaatay doorashada, ayaa waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo amniga goobaha ay ka dhici karaan rabshadaha ka dhasha doorashada.

Arrintaas ayaa horseeday in dowladda ay aad ula socoto dhaqdhaqaaqa siyaasiinta iyo hadallada ay ka jeedinayan goobaha dadku isugu soo baxaan, iyadoo laga cabsi qabo in hadallada xanafta leh ay horseedi karaan in dagaal qabaa’il uu dalka ka dhaco sidii sanadkii 2007-dii.

Maxaa tallaabo ah ayay qaaday dowladda?

Si arrimahaas looga hortago gobolka aad looga cabsi qabo inay dagaallo ka qarxaan oo ah gobolka Rift Valley, kana kooban 14 deegaan isla markaasna ay degan yihiin qabiillada ayaa waxaa la xoojiyay ammaankiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasaarada arrimaha guddaha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Macalim (Kadenge) uu yahay isuduwaha arrimaha ammniga ee gobolkaas.

Maxamed waxaa uu ku dhashay gobolka waqooyi bari ee Kenya isla markaana waxbarashadiisa hoose iyo tan dhexeba ku soo qaatay Gaarisa, isagoo hogaaminta iyo maareynta ammniga iyo mashaaricda dowlada kasoo bilaabay heer tuulo, kadibna loo magacaabay in uu heer degmo hogaamiyo.

Markii Kenya ay dastuurka cusub meelmarisay ayaa Kadenge waxaa loo dalacsiiyay inuu gacanta ku qabto amniga Gaarisa xilligaas oo qaraxyadu iyo amni darada ay aad u sareysay.


Waxaa uu ka shaqeeyay sidii magaalada Gariisa iyo nawaaxigeeda uu nabad uga dhigi lahaa isagoo adeegsanyo xeelad diblumaasiyadeed oo odayal dhaqameedka kulamo la qaan jiray si caruurtooda aysan ugu biirin Ururka Alshabaab.

Hase ahaatee marka ay qaraxyadu soo bateen ayaa waxaa uu qaatay go’an adag taas oo sababtay in ciidamada ay bar kantoroolo ka sameyaan wado walbo oo magaalada ah, isla markaasna xabsiga u taxaabay cid walbo oo looga shakiyo inay tageeran amaba qayb ka yihiin Alshabaab.

Wax ka yar labo sano gudahood ayuu ku bedelay amniga Gaarisa taas oo shacabkuna kaga helay kalsooni sidoo kalena dowladda sare ay aqoonsatay hawsha uu qabtay oo uu bilad ku guuleystay.

Wixii ka dambeyay doorashadii sanadkii 2013, Maxamed waxaa loo soo wareejiyay in uu ka shaqeeyo magaalooyinka waaweyn sida Kisumu, Mombasa iyo Makueni oo iyaguna uu amnigooda sugay.

Shaqadiisa waxay tahay hogaaminta dhammaan ciidanka gobolka oo toos uga amar qaadan doona, maadama aysan dowladda dhexe xilkaas ku aaminin barasaabyada.

Sidaas daradeed dowladda Kenya ayaa iyadoo ka cabsi qabto gobolka Rift Valley in shaqaaqoyin ay ka dhacaan ayaa waxay haatan u xilsaartay Maxamed Macalim in uu hogaamiyo amniga 14 magaalo oo kala ah.

1-Turkana

2-West Pokot

3-Samburu

4-Trans Nzoia

5-Uasin Gishu

6-Elgeyo Marakwet

7-Nandi

8-Baringo

9-Laikipia

10-Bomet

11-Nakuru

12-Kajiado

13- Kericho

14- Narok

Macalim waxaa la shaqeyn doona 14 gudomiyayaal degmo oo amniga u xilsaaran kuwaas oo ay ku jiran saraakiisha ciidamada iyo sirdoonka.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post