666 Views

Qaraxyo Bam Gacmeed oo caawa ka dhacay Boosaaso iyo Muqdisho.

Qaraxyo Bam Gacmeed oo caawa ka dhacay Boosaaso iyo Muqdisho.
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

 Wararka ka imaanaya caawa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka dhacay Bam Gacmeed lagu tuuray Bar koontarool oo ay joogeen Ciidamada Dowlada Puntland.

Qaraxan oo ahaa Nuuca gacanta laga tuuro ee F1-ta ayaa la sheegay in ay ku dhimatay Qof goobta marayay, waxaana ku dhaawacmay sidoo kale qof shacab ah oo meesha marayay.

Sidoo kale salaadiii Maqrib kadib waxaa Qarax Nuuca gacanta laga tuuro lagu weeraray goob ay joogeen Ciidamada Dowlada, gaar ahaan Isgoyska Xararyaale, mana jiraan ilaa iyo haatan qasaare ka dhashay oo la soo Wariyay.

Qaraxa Boosaaso ayaa imaanaya Xili Taliyayaal Ciidan oo Cusub loo magacaabay magaalada Boosaaso, kadib dagaalkii ka dhacay Boosaaso oo u dhaxeeyay Ciidamada PSF iyo Ciidamada Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post