879 Views

Booliiska degmada Buurtinle oo soo bandhigay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah

Booliiska degmada Buurtinle oo  soo bandhigay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa soo bandhigay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku sameeyay.

Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa warbaahinta u sheegay in khamrigaas lagu qabtay degaanka Maygaagle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana xiga dhanka xadka Itoobiya.

Laba xiddigle Maxamuud Miig, ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga, kadib markii ay iska caabin ku sameeyeen Booliiska, iyadoo mid kamid ah raggaas uu dhaawac ka gaaray lugta.

“ Hawlgalka waxa lagu qabtay 576 dhalo oo khamri ah iyo afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya. Iska caabin ayay sameeyeen, waana ku guulaysanay in aan qabanno” ayuu yiri Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle.

Taliyaha ayaa sheegay in ay Garsoorka hor-gayn doonaan Khamriga iyo shakhsiyaadka lagu soo qabtay, si loogu qaado sharciga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post