1248 Views

Diyaarad ay leedahay Amisom oo ku burburtay Duleedka Ballidoogle

Diyaarad ay leedahay Amisom oo ku burburtay Duleedka Ballidoogle
____________________________________________________________________________


Isniin: 8/2/2021  

Hawlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ay adeegsadaan ciidamada AMISOM ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.

Diyaaraddan ayaa shilka gashay wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka Balligoodle maalintii Jimcaha ee 5-ta Febraayo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada AMISOM.

AMISOM waxay intaas ku dartay in afar askari oo saarnayd diyaaradda la badbaadiyey, haatanna xaaladdooda caafimaad deggen tahay.

AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in baaritaan uu socdo hase yeeshee warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in diyaaradda ay haysay cillad dhinaca farsamada ah.

AMISOM wxaay sheegtay in diyaaraddaasi ay ka tirsanayd qaybta hawada ee hawlgalka AMISOM ayna lahaayeen ciidamada Uganda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post