5559 Views

Mustaf Dhuxulow oo loo doortay Kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose

Mustaf Dhuxulow oo loo doortay Kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 16, 2016: Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa mar dhow ku guuleystay kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose, isagoo helay dhamaan cododkii ergooyinka dooranayay, kaddib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay ka dib marki la is afgartay.

Mustaf Dhuxulow ayaa helay 47 cod oo ahaa cod gacan taag ah Ergadii wax dooraneysay ee ku sugneyd xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ah siyaasi dhalinyaro, waxaa uu 12-kii sano ee la soo dhaafay uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale Xukuumadihii dalka soo maray ayuu Wasiir ka soo noqday.

Mustaf Dhuxulow ayaa heystay taageerada ugu badan ee beesha uu ka soo jeedo, waana tan keentay inuu maanta mar kale ku guuleysto Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose.

Waxaa lagu xusuustaa waxqabad kala duwan oo isugu jira arrimo sama fal oo dad danyar ah uu taageero u fidiyay, waxaa kaloo uu doorar muuqda ka soo qaaday siyaasadihii dalka ka jiray oo uu galaan gal badan ku lahaa.

Xildhibaan Dhuxulow waa shaqsi dabeecad leh, fur furan, dadka dhageysta, waxaa dadka yaqaana ay ku tilmaamaan inuu yahay nin aan isla weyneyn, isla markaana dadka kii siyaasi ah iyo midka aan siyaasi aheynb ula macaamila si isku mid ah.

Dhinaca Kale Xuseen Qaasim (Xuseen Iidow) oo ahaa Wasiiru dowlaha Galmudug ayaa isna ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo, kaddib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay, waxaana uu sidaas uu ku helay cododka ugu badan ee ergada wax dooraneysay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment