912 Views

Koonfur Galbeed oo ku eedeeysay Wasarada wax barashada in ay Qalad tahay Imtixanka laga qadayo Ceelasha Biyaha

Koonfur Galbeed oo ku eedeeysay Wasarada wax barashada in ay Qalad tahay Imtixanka  laga qadayo  Ceelasha Biyaha
____________________________________________________________________________

May 26 2021

 War ka soo baxay maamulka K/galbeed ayaa eedayn dusha looga tuuray Dowlada Dhexe ee Somaliya, oo ku aadan in ay imtixaanka shahaadiga ay ka qadayso Degaanada K/galbeed ay xaqa u leedahay.

Wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Yuusuf Xasan oo Saxaafada kula hadlay  magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa eedeyn la xariirta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxa uu u jeediyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mas’uuliyad buuxda ayaa ka saaran waxbaridda dhammaan ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha, degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Yuusuf.

Aqriso Qodobada ay soo saareen Maamulka Koonfur Galbeed

1 – In waqti hore ay mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarashada DF, sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud ay imtixaanka dugsiga sare halkooda looga qaado ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha. “Wasaaradu waxay diiday in Ceelasha Biyaha xarun imtixaan laga dhigo, iyadoo ardayda deegaankaasi ay cabasho badan ka soo gudbiyeen, ayna ku adagtahay inay Muqdisho u aadaan imtixaanka dugsiga sare, maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan jidka.”

about:blank 2 – In balan ka baxyo ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federalka. “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa waxa ay cadeeyeen in Ceelasha Biyaha aysan suurtagal aheyn in xarun imtixaan laga dhigo duruufo amni awgeed. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen in ardeyda degaankoodu yahay Ceelasha Biyaha loo wareejiyay degmada Afgooye. Taasna  Wasaaraddu waa nooga baxday.”

3 – In jahwareer iyo khalkhal uu soo wajahay ardeyda Koonfur Galbeed ee wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha. “waxay weli garan la’yihiin goobta ay Imtixaanka ku galayaan, iyadoo waqtigu uu ku dhamaaday.”

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxay ka soo horjeedaa in lagu tunto xuquuqda ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha. cawaaqibka iyo dhibaatada ka dhalatana waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, maadaama la jahwareeriyay ardayda, waalidiinta iyo bulshada deegaanka intaba,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada maamulka K/Galbeed.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in degmada Afgooye ay ku diyaariyeen xarumihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen ardayda wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha ee sanadkan u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post