4146 Views

Halkee lagu kala qoray safiiraada cusub ee ay meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya???

Halkee lagu kala qoray safiiraada cusub ee ay meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya???
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 13, 2018 – Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Shabakada Qaranimo Online in Madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay Danjirayaasha Soomaaliya ee Suudaan,Kenya iyo Sucuudiga.

Magacaabistan waxaa sameeyay Madaxweynaha waxaana meel mariyay Golaha Wasiirrada,waxaana kaliya ay sugayaan in ay ku soo baxaan faafinta rasmiga ah.

Danjirayaasha la magacaabay waxaa ka mid ah, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya

C/Risaaq Shoole, oo ah Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo magacaabay Danjiraha Somaaliya ee dalka Suudaan, halka Cabdullahi Maxamed Odawaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga.

Qaar ka mid ah xogheynta Ragga la magacaabay ayaa sidoo kale Goordhow Qaranimo Online u xaqiijiyay magacaabistan.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa safiir la’aan ahayd waxaana kaliya ka shaqeynayay safiir ku meel gaar ah, sidoo kale safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga,waxaa danjire ka ahaa Daahir Maxamuud Geelle oo ah wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Shabakada Qaranimo Online Madaxtooyada laga doonayo agaasime ku xigeen cusub sidaasna Shoolle loogu magacaabay Suudaan,halka Tarsan ay Dowladda Soomaaliya isdhaafineyso.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment