684 Views

Madaxa WHO oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega oo war kasoo saaray xaaladda Tigray

Madaxa WHO oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega oo war kasoo saaray xaaladda Tigray
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isaga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay.

“Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay”

Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aysan heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la’aan yihiin.

“Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka”

Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post