1038 Views

Beelo shalay ku dagaalamay Gobolka Hiiraan oo Xabad joojin la dhex dhigay iyo Ciidamo la kala dhex dhigay

Beelo shalay ku dagaalamay Gobolka Hiiraan oo Xabad joojin la dhex dhigay iyo Ciidamo la kala dhex dhigay
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Wararka ka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maamulka Hirshabeelle oo  malleeshiyaad ka soo kala jeedo beelo oo wada deggan galbeedka magaalada Beledwayne ee xaruunta gobolka Hiiraan dhex dhigay Xabad joojin.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa ku baxay deeganaada Dabeyl iyo Baladul-amiin, isagoo xabad joojin kala dhexdhigay labadii beel ee dagaalamay.

Labadii beelood ee labadii maalmood ugu dambeeysay ku dagaalmayay duleedka galbeed Baladweyne ayaa aqbalay baaqa xabad joojinta.

Madaxweyne ku-xigeen Dabageed ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya odoyaasha iyo waxgaradka labada beel, si loo dhammeeyo khilaafka soo kala dhexgalay.

Office Nairobi Kenya .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post