981 Views

SAWIRO: Guddoonka baarlamaanka oo qaabilay Wafdi ka socda EU

SAWIRO: Guddoonka baarlamaanka oo qaabilay Wafdi ka socda EU
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay Masuuliyiin kasocday EU-yada.

 

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Mudey iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Wafdi Heer-sare ah oo uu Hogaaminayay Stefano Manservisi iyo Masuuliyiin kale.

 

Kulankan ayaa Ka dhacay Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa looga hadlay Wada-shaqaynta labada dhinac Waa EU-da Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulanka Ka hadlay ayaa kaga Mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday EU-da Sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida Dowlad-nimada Soomaaliya.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment