960 Views

Kenya oo soo iibsaneysa Gaadiid ay kula dagaalanto Al-Shabaab

Kenya oo soo iibsaneysa Gaadiid ay kula dagaalanto Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 08, 2021
–Ciiddanka Difaaca Kenya ee (KDF)  ayaa waxaa ka baaraan degayaan Qandaraas ay Turkiga kaga iibsan doonaan Gawaarida Gaashaaman iyo gaadiid kale ee dagaalka, si loogu adeegsado dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ciiddanka KDF waxaa la sheegay inay ka fekerayaan dhowr Xulasho  oo kala duwan si ay u iibsadaan Gaadiidka Cusub ee Gaashaaman oo ay ku jiraan gaadiidka dhulka ee Turkiga ee ay soo saarto Shirkadda Turkishka ee Otokar.

Gaadiidkaasi waxaa ka mid ah Gawaarida Gaashaaman ee Taayarada leh ee (Otokar’s Arma 8×8 tactical wheeled armored vehicle).

Gawaarida Gaashaaman ee Otokar’s Arma 8×8 waa nooca ugu cusub ee ay Shirkadda Otokar farsamayso, waxaana lagu soo bandhigay Carwada Caalamiga ee Wershadaha Difaaca (The International Defense Industry Fair (IDEF) ee bishii May ee sanadkii 2011-kii lagu qabtay magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Gaadiidka Gaashaaman ee ay Ciiddanka Kenya ku naaloonayaan inay Turkiga ka iibsadaan waxa uu qaadi karaa ugu badnaan 12 Askari, oo ay ku jiran Dareewalka iyo Taliyaha.

Shirkadda Turkishka ee Otokar waxay dhawaan Heshiis la saxiixatay dal Afrikaan oo aan la carabaabin si looga iibiyo Gaadiidka Gaashaaman ee Arma 8×8 iyo Gaadiidka kale ee Gaashaaan ee Taayarada leh.

Qandaraaska Iibsashada Kenya ee Gaadiidkaasi ayaa la filaya in si rasmi ah loogu dhawaaqo bisha July ee sanadkan.

Kenya waxay kaloo ka baaraan-degaysaa inay iibsadaan Gaadiidka Gaashaaman ee  ay soo saaraan Wershadaha dalalka Reer Yurub, sida Excalibur, Mowag iyo Piranha.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaliya kajooga Ciidamo ku howlgalla Magaca howgalka Midowga Affrika ee AMISOM, waxaana ay dagaal kula jirtaa Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post