687 Views

Ergeyga Abaaraha oo kulan la yeeshay ku-xigeenka Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka

Ergeyga Abaaraha oo kulan la yeeshay ku-xigeenka Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka
____________________________________________________________________________

Isniin: June 13, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Mudan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa maanta kulan la yeeshay ku-xigeenka Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Kulanka oo looga hadlayey gurmadka Abaaraha iyo badqabka cunto ee dadka abaarta samaaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Lary Andre , Madaxa USAID, ku-xigeenka Ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Bani’aadannimida iyo Madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

Kulanka ayaa ka isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii deg-deg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.

Ugu danbeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyey Dawladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post