696 Views

Al-Shabaab oo burburisay Xarun isgaarsiineed Safaricom ee ku taala Mandera

Al-Shabaab oo burburisay Xarun isgaarsiineed Safaricom ee ku taala  Mandera
____________________________________________________________________________

Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ka fuliyeen duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd halkaasi.

Nyamboka Mound oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Mandera ayaa wariyeyaasha u sheegay in dagaalyahanadu ay cagta mariyeen xaruntaasi isgaarsiineed, bals wuxuu shaaciyey in weerarka uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

“Xarun isgaarsiineed ayaa gebi ahaanba la burburiyay kadib markii dabley hubeysan ay soo weerareen,nasiib wanaag ma jiro cid wax ku noqotay.”ayuu yiri Nyamboka Mound.

https://3f23a972b1e99bd9946188fd59e3e626.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-37/html/container.html Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ciidamada Booliiska Kenya ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post