1062 Views

RW Kheyre oo qaabilay Tibor P. Nagy

RW Kheyre oo qaabilay Tibor P. Nagy
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 22 -2020—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheye ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

 

 

 

Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka.

 

Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment